Safaaradda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ku guul-darraysatay dedaal muddo bilo ah socday oo ay doonaysay inay ku kulansiiso madaxa kooxda Villa Soomaaliya Xasan Gurguurte iyo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ama Xoghayihiisa Arrimaha Dibadda, Marco Rubio.
Sida ay sheegtay warbaahinta faransiiska ee Africa Intelligence, intii lagu jiray shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee September 2026, Gurguurte wuxuu ku qasbanaaday inuu la kulmo kaaliyaha cusub ee xoghayaha arrimaha Afrika, Frank Garcia, kaas oo xilka loo magacaabay bishii Juun.
Safiirka Soomaaliya Dahir Xasan Cabdi ayaa sidoo kale la xiriiray dhowr shirkadood oo ka shaqeeya la-talinta iyo xiriirka siyaasadda, kuwaas oo lagu yaqaan kuwaas oo lagu yaqaan inay xiriir dhow la leeyihiin dhinacyada Jamhuuriga ee Washington.
Africa Intelligence waxay sheegtay in dhammaadkii bishii Maarso, mid ka mid ah shirkadahaas oo lagu magacaabo Arsenal Government and Public Affairs Group (Arsenal GPA), ay joojisay qandaraas ay la gashay kooxda Villa Soomaaliya, wax ka yar hal sano ka hor.
Qandaraaskan fashilmay oo shirkadda Arsenal GPA bil walba lagu siinayay $44,000 Dollar, ayay ujeeddadiisu ahayd sidii kooxda Villa Soomaaliya looga caawin lahaa xoojinta xiriirkooda Maraykanka, gaar ahaan sidii Gurguurte loola kulansiin lahaa madaxda sare ee maamulka Trump.
